Adeegyada
loo qabanayo ardeyda wax ka barata
jaamacadaha dalka
Mar kasta oo ay sii bataan ardeyda
soo qalinjebineysa, isla markaana
kororka ardeyda qalinjebineysana
uusan la socon horumar dalku ku
tallaabsanayo, waxaa adkaaneysa
inaad hesho dareenka dadka wax shaqaaleysiiya.
Jaamacad laga baxo micnaheedu maaha
in qofku dhan kastaaba ka dhisan
yahay. Waxaa suurtogal ah in waxyaabaha
aad ku hanan karto dareenka dadka
wax shaqaaleysiiya aanad ku baran
machadka ama jaamacadda. Haddaba
Afro Education waxay ardeyda jaamacadaha
gacan ku siineysaa sidii ay suuqa
u soo gali lahaayeen iyagoo dhinacyo
badan ka diyaarsan, lana socda waxa
suuqa ka jira.
Dhinacyada aan ka dhiseyno
ardeyda machadyada sare iyo jaamacadaha
waxaa ka mid ah:
1. Sidii ay ku qori lahaayeen CV
soo-jiidasho leh, kana soo dhex
muuqda CV-yada kale ee la tartamaya.
(maxaa CV-ga lagu xusaa, maxaanse
lagu xusin?)
2. Qaabka ugu fudud ee loo raadsado
shaqooyinka
3. Isku-xirka ardeyda soo qalinjebisa
iyo dadka wax shaqaaleysiiya.
4. Sida ugu fudud ee aad saameyn
ugu yeelan kartid qofka wax shaqaaleysiiya
marka wareysi lagula yeelanayo.
(Qaabkeed u saameyn kartaa diyaargarow
buuxa?)
5. Sideed uga fogaan kartaa khaladaadka
lala kulmo marka shaqo loo galayo
imtixaan qoraal ama wareysi ah.
6. Sida loo sameeyo Khudbo soo-jeedinta
xirfadeysan
7. Sida loo qoro warqadaha oo Ingiriisi
ah
8. Sideed shaqooyin uga raadsan
kartaa dalka dibeddiisa?
|