English
 
 
 
   
Mid ka mid ah dugsiyada dalka
 

____________________________

Xiriirrada Waxbarashada Soomaalida


Jaamacadaha
Machadyada
Dugsiyada
Bogagga Waxbarashada

 

 

Xiriirrada Waxbarashada Dibedda

Jaamacadaha
Machadyada
Dugsiyada
Bogagga Waxbarashada

 

 

go

Hordhac

Kadib markii aan aragnay in ardeyda Soomaaliyeed aysan badankood haysanin talooyin waxbarashada ku saabsan oo ay ka helaan waalidka ama macalimiinta, isla markaana aan baaritaan ku sameynay baahida loo qabo in la helo adeegyo lagama-maarmaan u ah ardeyda iyo maamulayaasha dugsiyada iyo jaamacadaha. AfroEducation waxay ka duuleysaa murtida Soomaalida ee oraneysa "war la helaaba talo la hel", ee dulucdeedu tahay in marka aad xog hesho un aad talo wacan qaadan kartid. Sidaasi awgeed, AfroEducation waxay ardeyda gacan ku siineysaa inay qaataan go’aanno waxtara aayahooda dambe.

Afro Education waxay markii ugu horreysay billaabeysaa adeegyo aan hore looga aqoon jirin dalka Soomaaliya, balse xilligan baahi weyn loo qabo. Adeegyadaas waxay isugu jiri doonaan:
1. Adeegyo loogu talogalay dugsiyada, machadyada, iyo jamaacadaha dalka ka dhisan, adeegyadaas oo wax taraya habsami-u-socodka howlahooda iyo horumarinta goobtooda waxbarashada.
2. Adeegyo loogu talo galay ardeyda haatan wax ka barata dugsiyada sare amaba dhowaan dhameysay ee aan weli billaabin machadyada/jaamacadaha.
3. Adeegyo loogu talogalay ardeyda wax ka barata jaamacadaha iyo machadyada sare ee dalka ku yaalla
4. Adeegyo wax taraya ardeyda qorsheyneysa inay dalka dibeddiisa wax ka bartaan.

Hase yeeshee qoraalkan wuxuu xoogga saari doonaa inuu ka faalloodo adeegyada aan u qabaneyno ardeyda wax ka barata dugsiyada sare, machadyada iyo jaamacadaha.

 

Maxay tahay Afro Education?

Afro Education waa shirkaddii ugu horreysay ee nooceeda ah ee dalka ka billowda adeegyo loogu talogalay ardeyda Soomaaliyeed, kuwaasoo aan horay uga jirin dhulka Soomaalida..
Waxay Afro Education qorsheyneysaa inay horumar gaarsiiso ardeyda Soomaaliyeed, isla markaana u fududeyso adeegyo waqtigii hore dhibaatooyin lagu qabay.
Xarunta cusub ee ay Afro Education aasaaseyso waxaa loogu talo galay inay dhisto garaadka ardeyda, isla markaana loo diyaariyo sidii ay jaamacadaha ula qabsan lahaayeen iyagoo dhinaca wacyiga ka dhisan, sidoo kalena la qabsan kara jaamacadaha shisheeye.

 

Copyright ©AfroEdu 2006-07.
|Waxaan_nahay|Nala_soo_xiriir
 
 
Designed and maintained by AfroTech