English
 
 
 
   
Gobsanaa Gabdhahayagu !!

Qaar ka mid ah ardeyda dugsiyada Soomaaliya

 

____________________________

Xiriirrada Waxbarashada Soomaalida


Jaamacadaha
Machadyada
Dugsiyada
Bogagga Waxbarashada

 


Xiriirrada Waxbarashada Dibedda

Jaamacadaha
Machadyada
Dugsiyada
Bogagga Waxbarashada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

go

Adeegyada loogu talo-galay ardeyda dugsiyada sare


Caadi ahaan carruurtu waxay is weydiiyaan su’aasha ah “maxaad jeclaan lahayd inaad noqoto markaad weynaato?” Qaarba wax bay ku jawaabaan, waxaase u badan hadba waxyaabaha ilmuhu ka arko aabe, adeer, abti ama deegaanka kale.


Dale Carniege oo ah qoraa caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka, isla markaana wax ka qora arrimaha bulshada ayaa ku qoray buuggiisa “How to stop worrying and start living” in qofka dhallinyarada ah, rag iyo dumar kuu yahayba, uu soo maro xilli uu noloshiisa ugu welwel iyo walbahaar badan yahay, kolkaas oo ah markuu ka qalin jebiyo dugsiga sare, asiise aanu billaabin jaamacadda. Walbahaarkaas labo dhinac ayuu kaga soo faruurmaa: kan koowaad, ahna kan warbixintan khuseeya, wuxuu kaga welwelaa siduu jaamacad ku heli lahaa, hadduu helana wuxuu xirfad ahaan u baran lahaa.

Welwelka labaad ayuu qoruhu ku sheegay inuu yahay mid ah qofkii uu nolosha la wadaagi lahaa, si kale haddii loo dhigona xaaska/seyga ay wada noolaan lahaayeen. Labaduba waxay ka siman yihiin inay yihiin go’aanno adag oo raad weyn ku yeesha aayaha dambe ee qofka.

Haddaba haddii aan dareensannahay culeyska uu leeyahay go’aanka xulashada kulliyadda jaamacadeed, miyey habboon tahay inaad si bakhtiyaa-nasiib ah u xulato kulliyadda aad jaamacadda ka dhiganeyso, halkii aad ka gaari lahayd go’aan aad si weyn uga baaraan-dagtay.

Ardeydu waxay badanaa is weydiiyaan su’aalahan:
1. Sidee loo xushaa kulliyadda kugu habboon, qaabkee ayaanse ku ogaan karaa?
2. Maxaad ka taqaanaa waxyaabaha uu qabto qofkii barta cilmiga aad jeceshahay?
3. Kulliyad kasta miyaan gali karaa?
4. Ka warraan haddii aan saaxiibadey kaga daydo kulliyadda aan baranayo?
Su’aalahan jawaabahooda iyo qodobo kaleba waxay ardeydu ku ogaan doonaan siminaarrada ay qaban doonto AfroEducation.

Jaha-wareerka jira
Waxaa ardey badan isaga dhex yaacsan sidii ay u kala saari lahaayeen farqiga u dhexeeya:

Computer Science iyo Information technology
Economics iyo Business Administration
Business Administration iyo Public Administration
Electronic Engineering iyo Electric Engineering
International Relations iyo Political Science
Geology iyo Geography
Microbiology iyo Biochemistry
Accounting iyo Finance
Iyo kuwo kale

Marxaladda 1aad kulliyadaha aan ardeyda macluumaadka guud ka siineyno waxaa ka mid ah:
1. Medical and Dental Science (caafimaadka)
2. Pharmacy (Culuumta daawada)
3. Engineering (noocyada kala duwan)
4. Economics (Dhaqaalaha)
5. Business Administration (Maamulka)
6. Social Studies (Culuumta bulshada)
7. Journalism (Saxaafadda)
8. Languages (Luqadaha)
9. Sharia and Law (Shareecada & qaanuunka)

Intaas iyo in kaleba waxaan ardeyda ka siineynaa macluumaad waafi ah oo taabanaya dhinacyada:

• Maxay tahay kulliyaddani?
• Maxay kaga duwan tahay kulliyadaha kale, gaar ahaan kuwa u dhow-dhow?
• Muxuu qabanayaa qofkii soo barta cilmigan?
• Maxay yihiin maaddooyinka muhiimka u ah kulliyaddan ee ardeyga looga baahan yahay inuu si fiican u yaqaanno?
• Maxay yihiin dhibaatooyinka uu la kulmi karo ardeyga Soomaaliyeed ee baranaya kulliyaddaan?

 

Copyright ©AfroEdu 2006-07.
|Waxaan_nahay|Nala_soo_xiriir
 
 
Designed and Hosted by AfroTech