English
 
 
 
   
Ardeyda jaamacadaha

Qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan

 

____________________________

Xiriirrada Waxbarashada Soomaalida


Jaamacadaha
Machadyada
Dugsiyada
Bogagga Waxbarashada

 

 

Xiriirrada Waxbarashada Dibedda

Jaamacadaha
Machadyada
Dugsiyada
Bogagga Waxbarashada

 

go

Waxbarashada Dibedda

Tiro aan yareyn oo ardey Soomaaliyeed ah ayaa sanad walba dalka dibeddiisa waxbarasho u raadsada. Waxbarashada ay ardeydu raadsadaana waxay isugu jiraan heerarka kala duwan ee waxbarashada sida dugsi sare, bachelor, master iyo PhD. Dhibaatada arrimahan lagu qabo ayaa ah inaysan ardeydu heli karin warbixin waafi ah haddii uusan qof lagu kalsoonaan karo ka aqoon dalka uu doonayo inuu wax ka barto. Waxaa ardeyda iyo waalidka ka baxa kharash taleefoon, e-mails, fax, iwm, iyadoo ugu dambeyntana laga yaabo in qofka ay la xiriirayaan uusan ahayn qof war-gal ah amaba laga yaabo inuu yahay qof aan waxbarashada ku fiicaneyn.

Haddaba si arrintan xal loogu helo AfroEducation waxay dalka markii ugu horreysay keentay adeegyo arrimahaas lagu fududeynayo. Waxaan ardeyda lacag la’aan ugu qabaneynaa:

1. Inaan ardeyga u xareyno foomka oggolaanshaha (qubuul ama admission), isla markaana aan la socodsiino hadba meesha uu arrinkiisu marayo.
2. Inaan kala talino qaabka uu ku heli karo fiisaha amaba aan anaga u soo saarno fiisaha iyadoo aanan laga rabin lacag khidmo ah.
3. Inaan wacyi-gelin iyo siminaar u qabano ardeyda dhoofeysa si aan ula socodsiino waxyaabaha lagama-maarmaanka u ah safar dibedda ah iyo dalka uu ardeygu ku sii jeedo. Arrintan waa muhiim sababtoo ah ardeyda dhoofeysaa qiyaas ahaan 95% ka mid ah waa mar-dhoof aan dalka dibedda uga bixin.
4. AfroEdu waxay matashaa qaar ka mid ah jaamacadaha qaaradda Aasiya. Sidaas darteed soo-saarista oggolaanshaha jaamacadda iyo fiisahaba waa ka sahlan yihiin meel kastoo aad u mari lahayd.

Safar dibedda ah
AfroEducation waxay ardeyda dhoofeysaa ka dhiseysaa macluumaadka ay kaga baahan yihiin:
1. Sideen ugu diyaar-garoobaa safar dibedda ah?
2. Maxaa ka hor iman kara ardeyga inta uu ku jiro safarkiisa dibedda?
3. Sideen uga digtoonaan karaa dhibaatooyinka ay ardeydu la kulmaan?
4. Sideen u waajihi doonaa noloshayda kadib markaan tago dalka aan u socdo?

Dalalka aan jaamacadaha ka soo saarno
Afro Education waxay wakiillo ku leedahay oo oggolaansho-jaamacadeed ka soo saari kartaa dalalka kala ah:
1. Suudaan .............................2. Hindiya
3. Pakistan ............................. 4. Malaysia
5. Masar ................................ 6. Yemen
7. Uganda............................... 8. Bangaladesh
9. Thailand

Waxaa intaas dheer inay jiraan dalal kale oo ay wadhadallo noo socdaan, oo aan qorsheyneyno inaan mustaqbalka dhow jaamacado ka soo saarno.

Copyright ©AfroEdu 2006.
|Waxaan_nahay|Nala_soo_xiriir
 
 
Designed and Hosted by AfroTech