Adeegyada
Bahda Waxbarashada
AEC
waxa ay adeegyada soo socda u qabaneysaa
jaamacadaha, dugsiyada iyo hay’adaha
waxbarshada ku shaqada leh ee daneynaya
inay kobciyaan waxqabadkooda:
Xayeysiin
Afro Education waxay gacan kaa siineysaa
sidii aad jaamacaddaada, dugsigaaga
ama hay’addada waxbarasho
uga dhigi lahayd mid hanata magac
weyn. Waxaanu diyaarineynaa barnaamijyo
tayo leh, isla markaana qiimo jaban
ku kacaya oo aad sare ugu qaadi
karto magaca aad ku leedihiin dalka
iyo dibedba. Haddaba si ay taasi
u hirgasho, AEC waxay kaa caawin
kartaa:
•
Inaad diyaariso qoraal ka tarjumaya
cidda aad tahay iyo waxqabadkiinaba
(institution profiling). Qoraalkaas
oo noqonaya buug ka hadlaya jaamacadda,
machadka ama dugsiga.
• Inaad qabato barnaamijyo
aad dadweynaha ku gaarsineysaan
ujeeddooyinkiina, waxqabadkiina,
iwm.
• Inaad sameysataan bar internet
oo dhambaalkiina aad ku gaarsiin
kartaan dunida daafaheeda.
Xiriirka
Jaamacadaha/Machadka/Hay’adaha
Shisheeye
AEC waxay sidoo kale gacan ka geysan
kartaa sidii jaamacadaha, dugsiyada
iyo hay’adaha ka dhisan dhulka
Soomaalida ay xiriir wax wada-qabsi
ula sameyn lahaa dhiggooda dalalka
shisheeye.
Diyaarinta cilmi-baarisyo
AEC waxay u diyaarineysaa jaamacadaha,
dugsiyada iyo hay’adaha waxbarashada
daraasad cilmiyeed khuseysa hadba
dhinacyada ay doonayaan inay macluumaad
ka helaan. Sidoo kale waxay AEc
u gudbineysaa jaamacadaha, dugsiyada
iyo hay’adaha waxbarashadaba
sida ardeyda iyo waalidiintu u arkaan
waxqabadkooda.
La-talinta
furitaanka dugsiyo cusub
Dhulka Soomaalida oo goobaha waxbarashadu
aad u yar yihiin, waxaa lagama maarmaan
ah in laga shaqeeyo sidii loo dhiirrigelin
lahaa cid kasta oo qorsheyneysa
inay dugsi furto, ha ahaato dowlad,
hay’ad, shirkad, shakhsiyaad,
iwm.
Afro Education kaala talineysaa
go’aan-ka-gaarista goobta
dugsiga laga furayo, qorshaha istraatiijiyadda
mustaqbalka, maareynta maaliyadda
iskuulka, shaqaaleynta bareyaasha
iyo shaqaalaha kaleba, iwm. Sidoo
kale AEC waxay qiimeyn ku sameyn
doontaa baahida loo qabo tababarka
macallimiinta.
|