English
 
 
 
   
Illaa Qalinjebinta

____________________________

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

Xarunta Afro Education oo wakiil dalka

Soomaaliya uga noqotay jaamacadaha

dalka Shiinaha

Muqdisho - July 7, 2007

Xarunta La-talinta Waxbarashada ee Afro ayaa loo aqoonsaday inay tahay xarunta kaliya ee wakiilka ka ah jaamacadaha dalka Shiinaha, iyadoo xaruntu awood u leedahay inay ardeyda Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba u soo saarto oggolaanshaha jaamacadaha dalka Shiinaha, gaar ahaan jaamacadda Beihua.

Jaamacadda Beihua ayaa ah jaamacad lagu barto kulliyado badan oo ay ugu muhiimsan tahay kulliyadda caafimaadka oo aad u jaban. Kulliyaddan oo lagu barto afka Ingiriisiga ayaa qiimaheedu yahay $2800 sanadkii.


Mudane Maxamed Ibraahim, wakiilka Afroedu ee Pakistan, oo heshiis la saxiixanaya Maamulka Cosmos

AfroEdu ayaa dhowaan heshiis la saxiixatay COSMOS Consultancy oo fadhigeedu yahay dalka Pakistan, heshiiskaas oo dhigaya in shirkadda AfoEdu ay ardeyda Soomalaiyeed u xareyn karto jaamacadaha dalka shiinaha. Adeeggan wuxuu ardeyda Soomaaliyeed u sahlayaa inay helaan oggolaanshaha jaamacadhaas iyagoon sii marin dal saddexaad sida Pakistan oo ay ardeyda ka xareysan jireen jaamacadaha Shiinaha.

Xafladii lagu saxiiyay heshiiskan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socoto labada xarun, waxaana xafladdaasi lagu qabtay xafiiska Shirkadda Cosmos ee magaalada Rwalpindi ee dalka Pakistan. Mudane Maxamed Ibraahim Nuur, wakiilka AfroEdu ee dalka Pakistan, oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay ardeyda Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahaayeen fursaddan. “waa fursad weyn oo ardeyda iyo waalidkaba ku soo booqatay dalkooda. Ardeyda iyo waalidkoodba waxaan warbixin buuxda ka siin doonaa jaamacadda iyo waxyaabaha ardeyda looga baahan yahay”


Labada wakiil oo is weydaarsanaya nuqulka heshiiska

Mudane Qaysar Maxamuud, oo ah Wakiilka Cosmos oo xafladdaasi ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday inay tallaabadan qaadeen kadib arkii ay arkeen sida ardeyda Soomaaliyeed u daneynayaan jaamacadaha dalka Shiinaha iyo waxbarashada raqiiska ah. “Waxaan rajeynaynaa inay ardeyda Soomaaliyeed ka faa’ideysan doonaan fursaddan”

Haddii aad dooneyso inaad booqato website-ka AFRO EDUCATION CONSULTING riix halkan:

http://www.afroedu.com ama ka wac 216034 ama 651069

Booqo Jaamacadda http://www.beihuauniversity.com/



 
Copyright ©AfroEdu 2006.
|Waxaan_nahay|Nala_soo_xiriir
 
 
Designed and maintained by AfroTech